'Shaki la'aan' - Southgate wuxuu ku adkaystay inuu weli yahay nin ku habboon England.



Gareth Southgate ayaa cadaadis saaran yahay asagoo aanan badin 5 kulan oo xariir ah laakin wuxuu kalsoni ku qabaa in uu yahay tababaraha ku haboon koobka adduunka.

Tababaraha xulka qaranka England Gareth Southgate ayaa sheegay in uu yahay ninka ku haboon in uu xulka ku hogaamiyo koobka aduunka inkasto oo uu qaab ciyaareed xun ku jiro.

Guuldaradii jimcihii ka so gartay xulla italy ayaa dhaleeceysay xaulka lagu naaneso Saddexda Libaax inay ugu hooseyso guruubkeda tarntanka Nations League, taasoo sii badisay rikoorka guul la'aanta ah oo aysan badin 5 kulan xiriir ah.

Southgate waxaa ku jees jeesay taageerayaashii England ee u safrayay San Siro, inkastoo uu cadaadiskii ugu badnaa uu ku jiray 6 sano ee uu maamulayay xulka England, wuxuu aaminsan yahay inuu weli yahay doorashada ugu haboon ee uu xulka u qaadi karo Qatar.

"Saki la'aan, waan ciyaareynaa, waxaana ciyaareynay kooxo abood sare ah, waana ku fiicnaan doonaa taas," ayuu yiri.

“Ciyaartoyda da’da yar, gaar ahaan, kulamadaan wax badan ayay ka baran doonaan.

"Markii hore waxa aanu dheeli jirnay kulamo saaxibtinimo ama wax kasta oo ay ciyaarahu yihiin ka dibna waxa aanu dheeli jirnay tartamo, waana markii ugu horeysay aanu wajahnay xul heer sare ah.

"Hadda waxaan ognahay waxa aan rabno inaan horumarino waxaana si guud noogu meeleyn doonaa taas anagoo haysanay tayada kulamadii aan soo dhaanay."

Aragtida Southgate waxaa ka hadlay kabtanka xulka England ee Harry Kane, asagoo ku kalsoon in xulka lagu naaneeso seddexda libaax ay ku soo laaban doonaan qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa ee bilowga tartanka koobka aduunka ee bilaabanaya bisha November.

"Waxaan aaminsanahay in nalagu qiimeyn doono sida aan ugu ciyaareyno Qatar. Waxaan ku jirnaa mid ka mid ah waqtiyada ugu xun oo aysan si fiican wax u soconin, waxaan ku aaminsanahay inaan taas u badali karno," ayuu yiri.

"Waxaan heysanaa hal kulan oo kale Isniinta aan wajaheyno xulka Germany si aan isugu tijaabino inaan soo ceshano wadada guulaha, ugu dambeyntii, marka aan tagno Koobka Adduunka, waxaan diyaar u noqon doonaa kulanka ugu horreeya waxaana si buuxda diiradda u saari doonaa taas.

"Uma maleynayo in kalsoonideena ay hoos u dhacday, laakiin waxaad rabtaa inaad guuleysato ciyaaraha, kuligeen waxaan leenahay khibrad nagu filan, kooxaheena gaar ahaan waxaan soo marnay waqtiyadaas oo aysan xaaladah si fiican u socon, waxay ku saabsan tahay dib u soo laabasho. "


Post a Comment

Previous Post Next Post