Wararka xanta ah: Milan ayaa u soo bandhigtay heshiis kordhin Rafael Leao iyadoo ay downayaan Man City iyo Chelsea






Weeraryahanka Milan Rafael Leao ayaa soo jiitay kooxaha Man City iyo Chelsea ayagoo xiiso ba’an u hayaan ka dib markii uu lasoo baxay bandhig cajiib ah xili ciyaredkaan cusub, hada neh ku jiro waajibaadka caalamiga ah.

Rafael Leao waxa uu Milan usaftay 6 kulan isagoo dhaliyay 3 goal xili ciyaareedkaan horyalka Serie A.

23-sano jirkaan ayaa caawiye ka ahaa goolkii ugu horreeyay ee Portugal ciyaartii habeenimadii Sabtida ay 4-0 kaga badiyeen Czech Republic.

Rafael Leao ayaa loo doortay ciyaaryahanka ugu fiican Serie A xilli ciyaareedkii hore iyadoo AC Milan ay ku guuleysatay Serie A.

AC Milan ayaa soo bandhigtay dalab ay ku doonayso inay ku ceshato bartilmaameedka Manchester City iyo Chelsea ee Rafael Leao oo ay ka saxiixato heshiis cusub, sidaas waxaa qoray Calciomercato.

Warbixinta ayaa warineysa in AC Milan ay rabto inay kordhiso mushaarkii
a wax ka badan 2 milyan Yuuro oo uu hadda qaato, taasoo gaareysa 6.5 milyan yuuro, iyagoo doonaya inay ka ceshtaan xiisaha ay uqabaan Man City iyo Chelsea.

AC Milan waxay fahansan tahay inay ku  adkaan karto in lagu qanciyo Rafael Leao inuu sii joogo San Siro, inkastoo uu qandaraas kula jiro ilaa 2024.



Post a Comment

Previous Post Next Post