90min ayaa daaha ka qaaday todobaadkii hore in Bellingham uusan wali go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa ka hor Koobka Adduunka ee Qatar 2022.
Real Madrid ayaa fahansan mawqifka Bellingham, laakiin waxa ay hubinayaan in xiddiga reer England uu si wayn uga warqabo xiisaha ay u qabaan Los Blancos.
90min Waxa uu fahamsan yahay in doonista Real Madrid uu yahay mid wayn inkastoo ay hore usoo iibsadeen khadkooda dhexe iyadoo keensadeen Eduardo Camavinga iyo Aurelien Tchouameni sanadkii hore.
Dad badan ayaa qabo in xiddiga reer Uruguay Federico Valverde uu noqon doono ciyaaryahanka seddexad ee la ciyaari doona Camavinga iyo Tchouameni. Laakiin ilo wareedyo Real Madrid ah ayaa 90min u xaqiijiyay in ay ku faraxsan yihiin Federico Valverde in uu ka ciyaari karo boosas badan oo ay ku jirto garabka weerarka oo uu sanadkan ka ciyaarayay, taas oo la micno ah in ay wali boos u hayaan Bellingham nidaamkooda ku dheelaan.
Kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa aad u rabto inay u tartanto saxiixa Bellingham, indha indheeyayaashooda ayaa ku dadaalayay 12-kii bilood ee ugu dambeeyay, inkastoo ay si buuxda uga war hayeen da’yarkaan tan iyo maalmihii uu joogay Birmingham City.
Laakiin Real Madrid maaha kooxda kaliya ee doonaysa Bellingham, waana sababta ay isaga, qoyskiisa iyo wakiilladiisu ku qaadan doonaan go’aan ka gaadhista mustaqbalkiisa.
Chelsea, Manchester United, Liverpool iyo Manchester City ayaa dhamaantood aad u doonayaan Bellingham, laakiin lama hubo haddii uu ka tago 2023 inuu ku laaban doono England. Sidoo kale Juventus iyo Paris Saint Germain ayaa xiisahooda ku so biiray.
Borussia Dortmund ayaan wali ka quusan in Bellingham uu heshiis cusub u saxiixo isla markaana uu sii joogo wax ka badan 2023.
Post a Comment