Tababaraha xulka Spain ee Luis Enrique ayaa kalsooni ku qabay in xulkiisa ay goal ka dhalin doonto Portugal, Alvaro Morata ayaana dhaliyay goolka guusha.



Tababare Luis Enrique "wuxuu lahaa dareen ah in goal imaanayo" Spain markii uu dhamaadkii ciyaarta dhaliyay Alvaro Morata guul ay ka gaareen xulka Portugal si ay u gaaraan finalka Nations League sanadka soo socda.

Spain waxay u baahneyd inay guul ka gaarto Braga waxayna hogaanka uqabatay Group A2 ayadoo ka sareyso Portugal.

Si kastaba ha ahaatee, bedelada uu isticmaalay Luis Enrique ayaa ciyaarta badashay ayadoo hogaanka qabatay Spain, ka hor inta aysan helin goolka guusha daqiiqadii 88aad markii uu Morata uu dhaliyay uuna ka cawiyay Nico Williams.

Luis Enrique ayaa ku andacoonaya inuu ogaa in xulkiisa ay gool dhalinayso, isagoo u sheegay suxufiyiinta: "Waa ciyaar cajiib ah oo ay guushu tahay daawada ugu fiican ee niyad jab ama xaalad murugo ah.

"Portugal waa xul sare, qeybta hore ee ciyaarta, wax badan ayaan sameynay, laga yaabee inaan kubada heysano, waan sameynay, way cadahay inaan door bideyno inaan sameyno baasasyada qeybta naga soo horjeeda.

"Qeybtii hore waaxaan rabnay in aan kubada heysano oo aan maamulno ciyaarta, qeybta labaad, waxaan fahamsanaay in goalku guusha imaanayo. "Waxaan markale gaarnay afar dhamaadka, waana farxad weyn."

Guusha muhiimka ah ayaa shaki la’aan kicin doonta rajada laga qabo in Spain ay dib u soo ceshato geesinimadeeda koobka adduunka ku qaadeen sandii 2010, markaasoo uu tababare u ahaa Vicente del Bosque uu qaranka ku hogaamiyay koobkoodii ugu horeeyay ee koobka adduunka.

Koobka adduunka 2022 ee ka dhacayo Qatar ayaa wax yar ka dhiman, Luis Enrique ayaana wajahaya go’aamo adag oo uu ku soo xulanayyo shaxdiisa ugu dambeysa ee Qatar.

"Waa wax cajiib ah in la tababaro ciyaartoydan," ayuu u sheegay suxufiyiinta.

"Liiska ciyaartoyda ma ahan 26, waxaa jira 40 qof oo imaan kara Koobka Adduunka, farxad ayey ii tahay inaan tababaro ciyaartoy tayadaas leh.

Post a Comment

Previous Post Next Post