Wararka xanta ah: Arsenal ayaa qorsheynaysa in 100 milyan kula soo wareegta labo ciyaaryahan ee juventus ka tirsan.



kooxda kubada cagta ee Arsenal ayaa isku diyaarineyso suuqa kala iibsiga bisha janaayo, iyadoo wararku sheegayaan inay qorsheynayaan inay 100 milyan ginni kula soo wareegaan labada ciyaaryahan ee Juventus Dusan Vlahovic iyo Fabio Miretti.

Dusan Vlahovic, oo 22 jir ah, ayaa Juventus yimid janaayo sandkan isagoo kaga yimid koxda Fiorentina kagana iibsadeen aduun lacageed gaaraya 70 milan yuro, ka dib markii usaftay 21 kulan una dhaliyay 9 goal koxdiisa cusub dhamaadkii olalhi 2021/2022, xilli ciyaareedkaan waxa usaftay 8 kulan waxa uuna dhaliyay 4 goal.

Fabio Miretti, 00 19 jir ah, ayaa ka soo baxay akadeemiyada dhalinyarada ee Juventus, waxaana uu seddex kulan u saftay kooxda 21-jirada ka yar ee Italy, waxa uu udalacay kooxda Massimiliano Allegri, waxa uuna ku soo bilowday 4 kulan 5 kulan ee ugu danbeysay Serie A.

labada ciyaaryahan waxaa loo arkaa inay yihiin qaybo muhiim ka ah Turin, iyadoon loo eegin mustaqbalka Allegri ee kooxda, Arsenal waxay fahamsan tahay inay u baahan yihiin inay lacag badan ku bixiyaan.

Arsenal ayaa lala xariirinayaa dhowr ciyaaryahan oo bartilmaameed muhiim ah janaayo, iyadoo Mail ay sheegeyso inay Arsenal xariir la sameeyeen kooxda Eintracht Frankfurt ay ka doonayaan ciyarhanka Jesper Lindstrom, halka Sports ay warineyso inay miisaamayaan in 35 milyan euro ku qarashgareeyaan qandaraaska ciyaaryahanka u dheelo kooxda Villarreal ee Alex Baena.

Calciomercato aya warineysa labada ciyaaryahan ee ee Juventus inay yihiin koooxda kaliya dooneyso tahay Arsenal, halka ay sidoo kale sheegtay Mikel Arteta inuu riixayo dalabka.

In kasta oo ay labadan ciyaaryahan ku hungoobeen gudaha kooxda Juventus isla markaana ay rajo ka qabaan in kooxdu ay natiijada wax ka beddesho shan kulan oo ay guul la’aan tahay, haddana Calciomercato ayaa warinayo in dalab 100 milyan ginni ah ay adkaan doonto in la diido.

Post a Comment

Previous Post Next Post