Wararka xanta ah: Juventus ayaa la xiriirtay Chelsea waxayna weydisay wax ku saabsan helitaanka Christian Pulisic



Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa in ay xiriir la samaysay ciyaaryahanka Christian Pulisic iyaga oo bilaabay in ay isku diyaariyaan dalab bisha January si ay u helaan xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Chelsea.

Pulisic, oo 24 jir ah, ayaa hal kulan ku soo bilowday xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan, waxaana la badalay ciyaartaas daqiiqadii 60aad. Waxa uu sidoo kale bedel ku soo galay 5 kulan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Mareykanka, ayaa 58 milyan ginni kaga soo biiray Borussia Dortmund bishii Janaayo 2019, hadda wuxuu la dhiban yaahay kursiga keydka, Juventus oo waqti dheer xiiseyneysay ayaa hada dooneysa inay ka faa’ideysato qiimaha jaban lagu heli karo.

Sida laga soo warinayo Calciomercato, Pulisic ayaa "aad u jeclaa maamulka Juventus in muddo ah" waxaana uu qorsheynayaa inuu tago dhamaadka xilli ciyaareedka oo uu hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa.

Inkastoo Pulisic laga yaabo inuu rabo inuu arko inta ka harsan xilli ciyaareedka oo uu wax walba la wadaago tababaraha cusub Graham Potter, Chelsea ayaa la sheegay inay lacagtiisa ku qiimeysay 31 milyan ginni. Haddii kooxda Talyaanigu ay taas u aragto qiimo qali ah, arrimuhu waxay u socdaan si ka dhakhso badan sidii la filayay.

Post a Comment

Previous Post Next Post