Daafaca kooxda Barcelona Ronald Araujo ayaa sheegay in go’aanka qaliinka bowdada ah uusan ahayn mid koox iyo wadan ah, iyadoo daafaca dhexe uu seegi doono koobka aduunka lagu qabanayo Qatar 2022.
23-sano jirkaan ayaa si weyn loo filayey inuu muhiim u noqon doono xulaka qaranka Uruguay ee tababaraha u ah Diego Alonso ka hor dhamaadka sanadka.
Laakin ku dhawaaqista Barcelona ee ah inuu qaliin bowdada ah ku mari doono Finland Arbacada, iyadoo ay u badan tahay inuu seddex bilood ka maqnaan doono, wuxuu u muuqdaa mid qorshahaas meesha ka saaray.
"Waxaan rabaa inaan caddeeyo sababaha aan u qaatay go'aankeyga, si aan uga dheeraado waxyaabaha qiyaaliga ah," ayuu qoray. "Waan jeclahay wadankeyga, iyo waan jeclahay kooxdayda.
"Kadib markii aan la tashanay dhowr xirfadlayaal, waxaan go'aansanay doorashada ugu wanaagsan ee qalliinka. Halkan, maaha doorashada mid ama mid kale, waxay ku qusaysaa caafimaadka iyo dib u soo celinta boqolkiiba 100 sida ugu dhakhsaha badan.
"Shaqsi ahaan, xaaladahaan waa waqtiyo adag, waxaana jeclaan lahaa inaan fursadan uga faa'iidaysto inaan qof walba uga mahadceliyo taageerada aan ka helayo. Waxaan ku dadaali doonaa inaan sida ugu dhaqsaha badan ugu soo laabto.
Uruguay ayaa laga rabaa inay soo doorato kooxda Qatar ee 2022 u xulan dooto marka la gaaro November 13, usbuuc ka hor kulanka furitaanka qaranka ay wajaheyso Ecuador.
Post a Comment