Wararka xanta ah: Man City iyo Foden ayaa heshiis qandaraas cusub ka gaaray  lix sano ah oo 78 milyan ginni ah




Phil Foden ayaa qarka u saaran in mushaaraadkiisa kor loo qaado kadib hishiis qandaraas cusub oo lix sano ah laga saxiixo, isaga oo ku dhawaanaya labada laacib ee Man City ugu mushaarka badan ee Erling Haaland iyo Kevin De Bruyne.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee England ayaa qandaraas kula jira 2024, laakiin City ayaa qarka u saaran inay ka saxiixato qandaraas uu ku sii joogayo kooxda muddo dheer.

Manchester City iyo Foden ayaa mabda' ahaan heshiis wada gaarayn heshiis 78 milyan ginni ah sida laga soo wariyay Football Insider.

Heshiska 22-jirkan mushaar ahaan u qaadanayo £250,000 isbuucii, taasoo ku riixaysa inuu ku dhawaado lacagta mushaar ahaan u qaataan Kevin De Bruyne iyo Erling Haaland.

Heshiiska qandaraasku waa lix sano oo loogu talagalay xiddiga ku dhashay Stockport, kaasoo ka soo baxay akadeemiyada City.


Post a Comment

Previous Post Next Post