Wargayska Sport ayaa warinayo in Juventus ay wax ka waydiisay suurtogalnimada in ay qaataan bartamaha xilli ciyaareedka waxana ay u muuqataa in ay awood u leedahay in ay qaataan daafaca bidix ee Spain.
Juventus oo aan si wanaagsan ku bilaaban xilli ciyaareedkaan waxa ay u baahan tahay daafaca bidix waxayna waxa ayna rabaan Alba. Barça waxaa u furan inay amaah ku fasaxdo ama ay iska iibiso, Alba ayaa u muuqda inuu boos ka waayay Balde iyo Marcos Alonso. Alba waa inuu go'aansadaa wuxuu rabo inuu sameeyo. Waxa uu Barcelona kula jiraa heshiis dhacaya 2024.
Juve ayaa ku jirta dhibaato ka dib labo guuldaro oo ka soo gaartay Champions League, halka ay durba sideed dhibcood ka dambeeyaan hogaanka horyaalka Italy. Tababare Massimiliano Allegri ayaa dhibaato badan ka haysta dhanka daafaca halka Alex Sandro oo kaliya u heesto daafaca bidix kaas oo qaab ciyaareedkiisa uu fiicnayn.
Alba waa laacib qibrad leh kaasoo ku imaan kara oo caawin kara bisha Janaayo haddii Barça ay amaah ku siiso ama u ogolaato inuu bilaash ku baxo.
Post a Comment