Manchester United ayaan wali ka quusan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer Holland ee Frenkie de Jong kaas oo ay ka doonayso inay ka soo qaadato kooxda Barcelona waxana ay diyaarinaysaa in ay miiska soo saarto dalab cusub xagaaga dambe. (ESPN)
Red Devils ayaa rabta in ay xagaaga dambe la soo wareegto labada ciyaaryahan De Jong iyo Jude Bellingham si ay qayb uga dhigaan dib u dhiska khadka dhexe. (ESPN)
Jordan Henderson iyo Trent Alexander-Arnold ayaa labaduba ku booriyeen Bellingham inuu ku soo biiro Liverpool inta lagu guda jiro fasaxa caalamiga ah, ciyaaryahanka da'da yar ee khadka dhexe ayaa qaab ciyaaredkiisa ku soo jiitay kooxo badan. (Football Insider)
Ka dib markii uu tijaabada caafimaad si qarsoodi ah u maray kooxda Chelsea, weeraryahanka RB Leipzig Christopher Nkunku ayaa qarka u saaran inuu 60 milyan oo euro ugu biiro Chelsea xagaaga soo socda. (Daily Mail)
Juventus ayaa doonaysa in ay si xor ah ula soo wareegto daafaca midig ee Diogo Dalot xagaaga soo socda, inkasta oo xiddiga reer Portugal uu heshiiskiisa uu ku jiro 12 bilood oo heshiis kordhin ah kaas oo kooxda Premier league la filayo in ay u kordhiso. (Calciomercato)
Daafaca dhexe Arsenal ee William Saliba ayaa la aaminsan yahay inuusan ku degdegin inuu heshiis cusub u saxiixo Arsenal. (The Athletic)
Manchester City ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya 21 jirka garabka uga ciyaara Millonarios ee Daniel Ruiz Rivera. (Directv Sports)
Real Madrid ayaa dooneyso in ay Barcelona ku garaacdo tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Palmeiras ee Endrick sababtoo ah ciyaaryahanka ayaa xiriir dhow la leh Rodrygo. (AS)
Bayern Munich ayaa kalsooni ku qabta inay Liverpool ku garaaci doonto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee RB Leipzig Konrad Laimer xagaaga soo socda, iyadoo la rumeysanyahay in 25 jirkaan uu doorbidayo inuu sii joogo Bundesliga. (BILD)
Post a Comment