Wararka xanta ah ee suuqa kala iibsiga: Nkunku oo tijaabada cafimaad siqarsoodi Ah ugu maray Chelsea; De Gea ayaa dalban doona wadahadalada qandaraas kordhintiisa



Weeraryahanka RB Leipzig Christopher Nkunku ayaa baaritaan caafimaad oo qarsoodi ah u maray Chelsea meel u dhow Frankfurt isagoo rajaynaya inuu u dhaqaaqo 2023. (BILD).

Laakiin inkasta oo baaritaan caafimaad dhacay, wax heshiis wareejin ah oo hadda jira ma jiro sida 90minsheegeyso.

David De Gea ayaa dalban doona in uu wadahadalo la yeesho tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in Red Devils aysan rabin inay qandaraaska u kordhiso wax ka badan xagaagan. (Daily Star)

Wararka ayaa sheegaya in Man Utd ay u dhaqaaqi doonto goolhayaha Aston Villa ee Emiliano Martinez, laakiin kooxda Aston Villa ayaan wax xiiso ah u qabin inay u ogolaato inuu baxo Janaayo. (Football Insider)

Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa inay wayso Marco Asensio 12-ka bilood ee soo socda, iyadoo kooxaha Arsenal, Tottenham, AC Milan, Barcelona iyo Juventus ay dhamaantood xiisaynayaan saxiixa xiddiga reer Spain kaasoo diiday qandaraas kordhin. (Calciomercato)

Tottenham ayaa la filayaa inay bisha Janaayo dalab ka gudbiso Asensio si ay isugu dayaan inay iibsato xidigaan. (Calciomercato)

Barcelona ayaa u aragta xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Wolves ee Ruben Neves in uu yahay badalka wakhtiga dheer ee ku haboon 34 jirka Sergio Busquets. (Sports)

Juventus ayaa isha ku haysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahan cusub oo khadka dhexe ah bisha Janaayo, waxaana ay liiska ku darsatay xiddiga Aston Villa Douglas Luiz, kaasoo diirada u saaran Arsenal. (Calciomercato)

James Maddison ayaa u sheegay saaxiibadiisa ku dhow inuu aad u rabo inuu Tottenham ku biiro mustaqbalka dhow. (Football Insider)

Bayern Munich ayaa diyaar u ah inay mar kale ku laabato Ajax, iyadoo daafaca Jurrien Timber uu ku jiro liiska xiddigaha ay dooneyso kooxda Jarmalka. (Calciomercato)

Ma jiro wax go'aan ah oo laga gaaray mustaqbalka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Ilkay Gundogan, kaasoo weli diirada u saaran Barcelona. (The Sun)

Post a Comment

Previous Post Next Post