Wararka xanta ah: Chelsea ayaa soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga Borussia Dortmund ee Bellingham



Jude Bellingham ayaa heysta doorashooyin tirabadan oo ay ku jiraan kooxo waa weyn oo doonaya saxiixiisa, inkastoo Borussia Dortmund ay hadda joojineyso wadahadalada.

Jude Bellingham ayaa soo jiitay kooxo badan oo la dhacsan qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee Borussia Dortmund iyo England.

19-jirka khadka dhexe ka dheelo ayaa Dortmund kaga soo biiray Birmingham City 2020. Jude Bellingham ayaa qandaraas kula jira Borussia Dortmund ilaa 2025, laakiin naadiya badan ayaa raadinayaan inay la soo saxiixdaan mustaqbalka da'da yar ee Bellingham.

Chelsea ayaa ah kooxdii ugu dambaysay ee ku biirta raacdada loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham, sida ay sheegeyso Telegraph.

Fabrizio Romano ayaa sheegay in Liverpool, Manchester City, Real Madrid iyo Manchester United oo ay weheliso Chelsea ay dhamaantood ku raadjoogaan heshiiska Bellingham.

Fabrizio Romano ayaa ku waramaya in Dortmund aysan wali wax wadahadal ah la yeelan wax kooxo ah, taa badalkeedana ay dib u dhigaan wada hadal kasta iyo go'aan kasta oo ku saabsan qiimaha lagu iibsan karo ilaa ka dib Koobka Adduunka 2022. Telegraph ayaa sheegtay in Bellingham lagu iibsan karo adduun dhan 130 milyan oo gini (€145m).

Post a Comment

Previous Post Next Post