Erling Haaland iyo Phil Foden ayaa labadoodaba dhaliyeeyn seddexleey iyadoo Manchester City ay digniin adag u dirtay kooxaha Premier League iyagoo 6-3 ku garaaceyn kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United galabnimadii Axadda.
Kooxda martida loo ahaa ayaa hogaanka ciyaarta qabatay toban daqiiqo gudaheed iyadoo Foden uu ciyaarta ka dhigay 1-0. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa ka imaaday dhanka midig, waxaana uu soo galay diilinta ganaaxa isagoo dhameystiray karoos uu soo dhigay Silva.
Erling Haaland ayaa labo gool ku dhaliyay afar daqiiqo gudahood, iyadoo labada caawin uu ka helay De Bruyne.
Markii hore waxa uu madax ku dhaliyay koorno caawinteeda lahaay De Bruyne, kubbada ayaa dhaaftay xariiqda.
City ayaa United u ogolaatay in badan oo kubbada ah bilawgii qaybtii danbe ee ciyaarta taas ayaana keentay in ay gool dhaliyaan iyada oo Antony uu goal cajiib ah dhaxdhigay shabqa oo waardiyaha ka yahay Ederson.
Si kastaba ha ahaatee, Haaland ayaa u bedelay karoos ka yimid Sergio Gomez si uu ciyaarta uga dhigo 5-1, isagoo noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee seddexleey ka dhaliya Premier League seddex kulan oo isku xigta oo gurigooda ah.
Cadaadiska United ayaa sii kordhay kadib markii ay City dhalisay goalkii lixaad, iyadoo Foden uu asaganeh seddexleey ka dhaliyay si lamid ah Haaland.
Si kastaba ha ahaatee, awooda sarre ee City ayaa ka muuqatay qeybta hore ciyaarta, waxaana guushaan ay 6-3 kaga badisay ay ka dhigtay inay dhibic ka hooseyso hogaanka Premier League ee Arsenal. Man Utd ayaa hoos ugu dhacday kaalinta lixaad.
Post a Comment