Real Madrid ayaan si fiican ula dhacsanayn qiimaynta kooxda Erling Haaland. Agaasimayaasha kooxda ayaa ka xumaaday markii ay maqleen inay kaalinta saddexaad ka galeen liiska mudnaanta koowaad ee Norwegian-ka waxayna rumeysan yihiin in lagu ixtiraamo weeraryahanka Man City. (Marca)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Belgian Youri Tielemans ayaa la filayaa inuu ka tago Leicester si xor ah xagaaga soo socda, iyadoo Liverpool, Juventus iyo Real Madrid inay yihiin kuwa ugu cadcad saxiixiisa. (Calciomercato)
Arsenal ayaa sidoo kale xiiso u qabta Tielemans laakiin waxa ay dooqeyda koowad ah in ay January la soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Juventus Manuel Locatelli. (Calciomercato)
Sevilla iyo Valencia ayaa labaduba doonaya saxiixa Anthony Martial oo ka tirsan Manchester United, waxaana ay la socon doonaan wadahadalada qandaraas kordhinta. Martial ayaa Qandaraaskiisa wuxuu dhacayaa 2024, inkastoo United ay heysato fursad ay ku kordhiso sanad kale. (Todofichajes)
Kooxda Ligue 1 ka ciyaarta ee Reims ayaa rabta in ay amaahda xilli ciyaareedka ah oo ay ku heesato weeraryahanka da'da yar ee Arsenal Folarin Balogun u badasho heshiis joogto ah. (Ekrem Konur)
Phil Foden ayaa aqbalay heshiis cusub oo lix sano ah oo u saxiixayo Manchester City, iyadoo dhawaan lagu dhawaaqi doono. (The Athletic)
Kooxaha xiisaynayo Lionel Messi ee ka socda Major League Soccer ayaa lagu wargaliyay in weeraryahanka Paris Saint-Germain uu doonayo inuu ka tago France xagaaga soo socdo laakiin uu mudnaanta siinayo inuu u dib ugu laabto Barcelona. (Josep Pedrerol)
Liverpool ayaa dib u soo celin doonta xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka Inter ee Marcelo Brozovic sanadka 2023 waxayna rajaynaysaa in ay mushaaraad wali ah u soo bandhigto oo gaarayo 200,000 oo gini isbuucii. (Fichajes)
Kooxaha Chelsea iyo Tottenham ayaa dagaal kulul ugu jira lawareegida daafaca kooxda RB Leipzig ee Josko Gvardiol kaas oo sidoo kale doonayso kooxda Inter Milan. (Calciomercato)
Chelsea iyo Liverpool ayaa ku tartamaya saxiixa weeraryahanka Chicago Fire ee Jhon Duran. 18-sano jirkaan ayaa sideed gool dhaliyay 26 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan. (The Sun)
Post a Comment