Chelsea ayaa wadahadalo kula jirta kooxda RB Leipzig oo ku saabsan heshiiska oo ay ku doonayaan labada labada xidig kala ah Christopher Nkunku iyo Josko Gvardiol.
Blues ayaa u aragtay u dhaqaaqista daafaca dhexe ee Gvardiol oo ay ku gul dareesteen suuqa kala iibsiga xagaagan, Nkunku uu tijaabada caafimaadka u maray Chelsea oo ay kormeeraysay iyada oo la eegayo suurtogalnimada in uu ki soo biiro 2023.
Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay 90min in Chelsea iyo Leipzig ka dhaxeeyo xiriir fiican tan iyo xagaagii, milkiilaha Chelsea ee Todd Boehly ayaa qorsheeynaya inuu soo gabagabeeyo saxiixa labbada ciyaaryahan sida ugu dhaqsaha badan.
Shuruudaha shakhsi ahaaneed ayaa ku dhawaad si buuxda loogu heshiiyey Chelsea iyo Gvardiol iyo Nkunku labadaba, hadda Boehly ayaa isku dayaya inay ku qanciyo Leipzig inay aqbasho iibka labada xidig.
Chelsea ayaa rajeyneysa inay saxiixa labada ciyaaryahan dhameestirayso ka hor Koobka Adduunka, inkastoo laga yaabo Leipzig inay ka caga jiido inay bixitaanka labada ciyaaryahan.
Chelsea ayaa sidoo kale ku rajo weyn inay hesho agaasime cusub oo isboortiga dhamaadka bishaan.
Chelsea ayaa wadahadal kula jirto agaasimaha kooxda Leipzig ee Christopher Vivell, kaas oo ah mid ka mid ah musharaxiin badan oo suurtagal ah si ay u xoojiyaan kooxda Chelsea.
Post a Comment