Manchester United ayaa u sheegtay Cristiano Ronaldo inuu ka tago kooxda marka la gaaro suuqa January. Weeraryahanka ayaa doonayay in uu isaga tago Old Trafford xagaagii laakiin ma uu helin cid doonaysa in uu ku biiro. (Daily Telegraph)
Dhanka kale tababaraha Man United ee Erik ten Hag ayaa u sheegay maamulka United in aysan wax heshiis cusub ah siin ciyaartoyda ilaa uu ka ogaanayo kuwa u qalma. (Daily Telegraph)
Arsenal ayaa diyaar u ah in ay Bukayo Saka u gacan galiso heshiis cusub oo uu todobaadkii ku qaadanayo 200,000 oo bound si ay isaga difaacdo xiisaha ka imaanayo kooxaha ay xifaaltamaan. Manchester City iyo Liverpool ayaa lala xiriirinayay bilihii ugu dambeeyay. (Football.london)
Gunners ayaa sidoo kale dooneysa inay heshiis cusub ka saxiixdo Gabriel Martinelli, iyadoo Chelsea la sheegay inay isha ku heyso xaaladiisa. (Daily Mail)
Weeraryahan laga yaabo inuu ka tago Chelsea ee Hakim Ziyech, kaasoo ay weli xiisaynayso AC Milan suuqa kala iibsiga ee Janaayo. Blues ayaa martigelin doonta Rossoneri kulan ka tirsan Champions League Arbacada. (Gazzetta dello Sport)
Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi ayaa hoos u dhigay hadal heynta ku aadan in uu dib u soo laabto xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi. (Official)
Liverpool ayaa meel dhigatay lacag aad u badan si ay ugu qarashgareyso suuqa Janaayo kaasoo dib u soo celin kara qaab ciyaareedkooda. (Football Insider)
Iyadoo si weyn loo sheegay in Manchester United ay u dhaqaaqday saxiixa Adrien Rabiot xagaagii hore, waxaa kooxda Juventus ku celiyay saaxiibkiis Manuel Locatelli. (Calciomercato)
Tottenham ayaa bartilmaameedsanaysa goolhayah Barcelona ee Marc-Andre ter Stegen si uu unoqdo badalka mustaqbalka fog ee Hugo Lloris. (Jeunes Footeux)
Real Madrid ayaa diyaar u ah ciyaaryahanka Dani Ceballos in ay si xor ah ku fasaxdo kadib markii uu si niyad jab ah ugu soo laabtay kooxda. Waxa uu ku biiri karaa Real Betis xagaaga dambe. (Marca)
William Saliba ayaa xaqiijiyay inuu wadahadalo heshiis kordhin ah kula jiro kooxda Arsenal. Barcelona ayaa ku fikiraysay in ay u dhaqaaqdo xagaagan hadii ay ku fashilmi laheed soo xerogalinta Jules Kounde. (Fabrizio Romano)
Post a Comment