Wararka xanta ah ee suuqa kala iibsiga: Man City waxay u dagaalamaysaa inay sii haysato Haaland; Liverpool ayaa xiiseyneysa Musiala



Manchester City ayaa isku dayaysa inay heshiis cusub ka saxiixato Erling Haaland kaas oo meesha ka saaraya qodobada lagu burburin karo qandaraaskiisa. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway ayaa la sheegay inuu isha ku hayo inuu u wareego Real Madrid dhowrka sano ee soo socda. (Mundo Deportivo)

Tababaraha Chelsea Graham Potter ayaa shaaca ka qaaday sida uu ula dhacsan yahay weeraryahanka Milan Rafael Leao, wuxuuna diiday inuu meesha ka saaro inuu u dhaqaaqayo xagaaga. (Official)

Milan ayaa u safreysa Stamford Bridge tartanka Champions League, saraakiisha Rossoneri ayaana fursad u isticmaali kara inay ka wada hadlaan heshiisyada suurtagalka ah ee Trevoh Chalobah iyo Christian Pulisic. (Calciomercato)

Manchester United ayaa ka labalabayneysa inay Cristiano Ronaldo uu ka tago suuqa January taas oo lid ku ah warar horraantii todobaadkan soo baxayay oo sheegaya in ay u furan yihiin inuu baxo. Si kastaba ha ahaatee, Red Devils ayaa laga yaabaa inay diido inay kiciso qandaraas kordhinta oo ay u ogolaato inuu si xor ah uga tago xagaaga soo aadan. (Daily Mirror)

Liverpool ayaa aad ula dhacsan xiddiga Bayern Munich ee Jamal Musiala, laakiin aad ayay u adag tahay inuu ka tago Allianz Arena mustaqbalka dhow. (Sky Germany)

Arsenal ayaa rajeyneysa inay xoojiso khadkeeda dhexe bisha Janaayo, waxaana ay weli xiisayneysaa labada ciyaaryahan ee Brazil Danilo iyo Douglas Luiz. (Fabrizio Romano)

Daafaca garabka uga ciyaara Torino ee Wilfried Singo ayaa ku jira xidigaha Barcelona ee bartilmaameedyada u ah mustaqbalka fog, halka ay isha ku wada hayaan kooxaha Tottenham iyo Arsenal. (Sports)

Post a Comment

Previous Post Next Post