Liverpool ayaa la filayaa inay u dhaqaaqdo xiddiga Bayern Munich ee Jamal Musiala xagaaga soo socda hadii ay ku guuldareystaan soo xiri galinta bartilmaameedka koowaad ee Jude Bellingham oo u dheelo Borussia Dortmund (Mirror).
Reds ayaa tartan kala kulmi doonta Jude Bellingham kaas oo sidoo kale doonayso Real Madrid, sidoo kale waxay loolan kala kulmee kooxda ay ku xifaaltamaan Premier League ee Manchester City (Sport1).
Pep Guardiola ayaa beeniyay in Real Madrid, ama koox kasta, ay haysato shuruudo lagu burburin karo qandaraaska gooldhaliyaha cusub Manchester City ee Erling Haaland (Mirror).
Mar hore ayay heshiis lagaartay Christopher Nkunku oo ay horeba tijaabada caafimaadka ugu maray xiddiga reer France, Chelsea ayaa lagu tilmaamay in ay ugu cadcadahay la wareegida garabka AC Milan ee Rafael Leao (Star).
Arsenal ayaa la ogaaday inay isha ku heyso weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford, kaasoo ku jira xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay heshiiskiisa, inkastoo uu heysto ikhtiyaar sanad dheeri ah (Football Insider).
Gunners ayaa sidoo kale loo sheegay inay bixiyaan lacag aad u badan haddii ay rabaan saxiixa garabka Shakhtar Donetsk Mykhalo Mudryk, kaasoo labo gool iyo labo caawin ka sameeyay Champions League xilli ciyaareedkan (Mirror).
Wadahadaladii qandaraas kor dhinta ee u dhaxeeya Chelsea iyo N’Golo Kante ayaa hakad galay, kaasoo halis ugu jira inuu noqdo mid xor ah xagaaga soo socdo. Waxaa waqti dheer xiiseeynaysay kooxda Paris Saint-Germain (Mail).
Arsenal ayaa rajaynaysa in ay ciyaartoyda kala ah Bukayo Saka, William Saliba iyo Gabriel Martinelli ay ka saxiixdaan heshiisyo cusub oo wakhti dheer ah (Independent).
Tottenham ayaa xiiso u qabta xiddiga Ajax ee Mohammed Kudus laakiin waxa la filayaa in ay tartan weyn kala kulmaan saxiixa da’yarka reer Ghana (Express).
Lionel Messi ayaa loo maleynayaa inuu u ku laabto Barcelona ka hor xagaaga soo socda, inkastoo ay fiicnayn xiriirka isaga iyo madaxweyne Joan Laporta ee ku saabsan qaabkii loo maareeyay bixitaankiisa 2021 (Mail).
Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay Atletico Madrid kala heshiisay saxiixa Antoine Griezmann kaas oo ku kacaya lacag gaareysa 20 milyan oo euro. Atletico ayaa qandaraaska amaahda ah u kordhisay xagaagii laakiin way diiday inay bixiso 40 milyan oo euro, taas oo ay badelkeed suubisay xaalad layaableh oo uu ku ciyaarayay 30 daqiiqo kulan kasta (Marca).
Post a Comment