Wararka xanta ah ee suuqa kala iibsiga: Real Madrid ayaa James ka dhigatay bartilmaameedka ugu sarreeya ay dooneyso; Milinkovic-Savic oo xiiso ka helay Liverpool



Real Madrid ayaa bartilmaameedkeeda ugu sareeya ka dhigatay daafaca midig ee kooxda Chelsea Reece James si ay ugu bedelaan Dani Carvajal, waxayna diyaar u yihiin inay bangiga u jabiyaan si ay heshiis ula gaaraan 22 jirkaan, kaasoo saxiixay heshiis cusub oo lix sanno ah bishii September. (Fichajes)

Liverpool ayaa fiirineyso suurtogalnimada ay kula soo wareegeyso xiddiga khadka dhexe ee Lazio Sergej Milinkovic-Savic xagaaga soo socda iyaga oo isku diyaarinaya in ay dib u dhis ku sameeyaan khadka dhexe. (Calciomercatoweb)

Liverpool ayaa sidoo kale indha indheyneysa dhowr ciyaaryahan oo ka tirsan Galatasaray, oo ay ku jiraan daafacyada Sacha Boey iyo Victor Nelsson, iyo garabka Kerem Akturkoglu iyo Yunus Akgun. (The Sun)

Paris Saint-Germain ayaa ka fiirsaneysa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka Chelsea ee Pierre-Emerick Aubameyang xagaaga soo socdo, maadaama ay aaminsan yihiin in xiddiga heerka caalami ee dalka Gabon, oo qandaraaskiisu uu dhamaanayo 2024. (Cagta Mercato)

Newcastle United ayaa ku raad joogta daafaca bidix ee Man Utd Luke Shaw, waxaana laga yaabaa inay dalab ka gudbiso bisha Janaayo. (Football Insider)

Waxaa sidoo kale jira xiisaha Newcastle United ee weeraryahanka Barcelona Memphis Depay, kaasoo la filayo inuu beeca xorta ah ugu tago xagaaga soo socdo. (TuttoJuve)

Juventus ayaa kula biirtay Arsenal xiisaha ay u qabaan weeraryahanka Man Utd ee Marcus Rashford. Xiddiga reer England ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga laakiin United ayaa haysata 12 bilood oo heshiis kordhin ah. (Calciomercato)

Tottenham ayaa u soo bandhigtay Antonio Conte heshiis cusub oo uu sanadkii ku qaadanayo 20 milyan oo gini kaas oo ka dhigi doona tababaraha ugu mushaarka badan Premier League. (Football Insider)

Post a Comment

Previous Post Next Post