Cristiano Ronaldo ayaa loo ogolaaday inuu ka tago Manchester United suuqa Janaayo, Si kastaba ha ahaatee, Inter Miami ayaa u soo bandhigi doonta waddo uu kaga baxo Old Trafford bilaha soo socda. (Daily Star)
Arsenal ayaa qarka u saaran inay weydo ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Talyaani Manuel Locatelli, kaasoo sii joogi doona Juventus islamarkaana u heli doona mustaqbalka fog marka amaahda uu kaga yimid Sassuolo ay noqoto mid joogto ah xagaaga soo aadan. (Football.London)
Paris Saint-Germain ayaa beenisay sheegashada ah inay bartilmaameedsanayaan Pierre-Emerick Aubameyang, halka Blues ay sidaas oo kale hoos u dhigtay wararka sheegayo bixitaanka dhawaanahaan ee mustaqbalkiisa Stamford Bridge. (CBS)
Daafaca bidix Celta Vigo ee Javi Galan ayaa Barcelona doonaysaa inay ka dhigto bedelka Jordi Alba oo duqoobay. (Fichajes)
Liverpool ayaa Chelsea kula soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Declan Rice oo ka tirsan West Ham, waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka khadka dhexe xagaaga soo socdo. Reds ayaa sidoo kale bartilmaameedsanaysay saaxiibkii ay isku xulka yihiin ee Jude Bellingham. (Football Insider)
Juventus ayaa wajihi doonta tartan kaga imaanaya kooxda Newcastle United ee ku aadan saxiixa weeraryahanka Barcelona Memphis Depay marka la gaaro suuqa January. (Sports)
Adrien Rabiot ayaa laga yaabaa inuu dib ugu laabto Paris Saint-Germain xagaaga soo socdo marka uu dhaco qandaraaskiisa Juventus, kooxda heysata horyaalka Faransiiska ayaa durba ka shaqeyneysa inay dib u midoobaan. (Fichajes)
Manchester City ayaa diyaar u ah inay kula tartanto Liverpool saxiixa xiddiga Bayern Munich Jamal Musiala, inkastoo uu ciyaaryahanka doonayo inuu sii joogo kooxda heysata horyaalka Jarmalka. (Calciomercato)
Post a Comment