Paris Saint-Germain ayaa diidan inay Kylian Mbappe ka iibiso Real Madrid, waxayna door bidaysaa inay ka iibiso Liverpool. (Marca)
Si kastaba ha ahaatee, haddii PSG ay ogolaato inay ka iibiso Liverpool, PSG waxay rabtaa Mohamed Salah inuu qeyb ka noqdo heshiiska ay ku siineyso Kylian Mbappe heshiiskaas oo ah ciyaaryahan iyo lacag caddaan ah. (Ismaaciil Maxamuud)
Dhanka kale, PSG ma dooneyso inay iska fasaxdo Mbappe bisha Janaayo, waxayna dalbaneysaa in koox kasta oo xiiseyneysa inay bixiso lacag u dhaxeysa 300 illaa 350 milyan euro si ay ula wareegaan 23 sanno jirkaan weerarka ka ciyaara. (The Telegraph)
Tottenham ayaa isha ku haysa weeraryahanka Brentford Ivan Toney, iyadoo indha indheeyayaal si joogto ah u daawanayeen 26 jirka usbuucyadii dhawaa. (Football Insider)
Jorge Mendes waxaa ka go’an inuu koox cusub u raadiyo Cristiano Ronaldo bisha Janaayo, wuxuuna diyaar u yahay inuu dalab ka keeno koox kasta oo Champions League ka ciyaarto si uu uga tago Manchester United. (Gazzetta dello Sport)
Barcelona ayaa isha ku haysa in ay ka faa’iidaysato xidigaha xorta ah waxayna eegaysaa labada xidig oo u kala dheelo kooxaha Inter Milan ee Skriniar iyo kan Leicester City Youri Tielemans oo labadooduba uu heshiiskoda dhacayo xagaaga. (SPORT)
Juventus ayaa isha ku heysa inay heshiis la gaarto daafaca midig ee Man Utd Diogo Dalot, kaasoo go’aansaday inuu ka tago Old Trafford. (Calciomercato)
Chelsea iyo Manchester City ayaa labaduba xiriir la sameeyay kooxda Napoli oo ku saabsan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Slovakia Stanislav Lobotka. 27-sano jirkaan ayaa saxiixay heshiis cusub bishii Janaayo oo ku eg xagaaga 2025. (Ciro Venerato)
Arsenal ayaa wadahadalo la yeelatay kooxda Corinthians ee ku aadan 19 jirka daafaca dhexe ee Robert Renan kaas oo lala barbar dhigay xiddiga Liverpool Ibrahima Konate. (Goal)
Post a Comment