Wararka xanta ah ee suuqa kala iibsiga: PSG ayaa la xiriirtay Saliba; Felix oo oo raadineyso Man Utd



Paris Saint-Germain ayaa la xiriirtay wakiilada daafaca dhexe ee kooxda Arsenal William Saliba si ay ugu suurtagasho saxiixiisa. 21-sano jirkaan ayaa ku jiro 18-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa, waxaana uu horey u furay wadahadalo ku saabsan qandaraas kordhinta. (CBS Sports)

Joao Felix ayaa rabo inuu ka tago Atletico Madrid bisha Janaayo ka dib markii uu burburay xiriirka isaga iyo Diego Simeone. Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal. (Bola)

Liverpool ayaa ah kooxdii ugu dambaysay ee ku soo biirtay tartanka loogu jiro xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona Frenkie de Jong. Man Utd ayaa doonaysay in ay la soo wareegto xiddiga reer Holland xagaagii hore waxana ay isha ku haysay ka dib markii uu si gaar ah u muujiyay rabitaankiisa ah in uu ka tago Camp Nou daqiiqado yar gudahood. (Fichajes)

Kooxda Real Madrid ayaa isha ku haysa daafaca bidix ee kooxda Bayern Munich Alphonso Davies kaas oo uu qandaraaskiisu ku egyahay ilaa 2025. (Marca)

Inter ayaa ka dhawaajisay rabitaankeeda ah inay Romelu Lukaku si joogto ah ugala soo wareegto Chelsea xagaaga soo socdo. 29 jirkan ayaa la dhibtoonayay dhaawacyo xilli ciyaareedkan. (Calciomercato)

Milkiilaha Chelsea ee Todd Boehly ayaa doonaya saxiixyo u diyaarsan ka ciyaarista Premier League wuxuuna aaminsan yahay in Kane la heli karo xagaaga soo socdo. (CBS Sports)

Man Utd ayaa ah kooxda ugu cadcad saxiixa goolhayaha Porto ee Diogo Costa. 23-sano jirkaan ayaa horay loola barbardhigay David de Gea. (Diario de Noticias)

Post a Comment

Previous Post Next Post