Wararka xanta ah ee suuqa kala iibsiga: Chelsea ayaa isha ku haysa labada ciyaaryahan kala ah Bellingham & Rice; Zaha ayaa rabo inuu u dhaqaaqo Liverpool



Chelsea ayaa ka dhigatay Jude Bellingham iyo Declan Rice bartilmaameedkooda ugu muhiimsan ee khadka dhexe iyada oo madaxda Blues ay dejinayaan qorshayaal dib loogu xoojinayo kooxdooda. Si kastaba ha ahaatee, waxay la kulmaan tartan weyn oo loogu jiro labada ciyaaryahan. (Evening Standard)

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa sidoo kale xiiso u qabta ciyaaryahanka u dheelo Juventus ee Adrien Rabiot, kaasoo ku dhawaaday inuu ku biiro Manchester United xagaagan ka hor inta uusan go’aansan in sii joogo Juventus. (Gazzetta dello Sport)

Barcelona ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula wareegi karto Ruben Neves oo ka tirsan kooxda Wolves iyaga oo doonaya in ay keenaan badalka mustaqbalka fog ee Sergio Busquets kaas oo qandaraaskiisa dhamaanaayo xilli ciyaareedkan. (Mundo Deportivo)

Inter ayaa rajo ka qabta in Milan Skriniar uu heshiis cusub u saxiixo kooxda inkasta oo ay xiisaynayaan kooxaha Barcelona,Chelsea,Manchester City iyo Tottenham. (Sky Sport Italia)

Crystal Palace ayaa diyaarinaysa qorsho ay heshiis cusub ugu saxiixayaan Wilfried Zaha kaas oo uu heshiiskiisu dhamaanayo xiliciyaareed kaan, Arsenal iyo Chelsea ayaana xiiseynaya. Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka reer Ivory Coast ayaa doorbidaya inuu u dhaqaaqo Liverpool. (TalkSport)

Manchester United ayaa isku dayi doonta inay la soo wareegto Frenkie de Jong bisha Janaayo, inkastoo 25 jirkaan uu sugi karo ilaa xagaaga si uu u go'aansado mustaqbalkiisa iyadoo Chelsea iyo Bayern Munich la filayo inay soo nooleeyaan xiisahooda. (Sports)

Arsenal ayaa diyaar u ah in ay dib ugu soo laabato xiisaha ay u qabtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Leicester City ee Youri Tielemans marka uu furmo suuqa January ka hor inta uuna heshiiskiisu dhicin June. Barcelona ayaa sidoo kale xiiseyneysa. 

Post a Comment

Previous Post Next Post