Christopher Nkunku ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis wakhti dheer ah u saxiixi doona kooxda Chelsea ka dib markii ay Blues heshiis la gaartay RB Leipzig.
Christopher Nkunku ayaa muddo dheer lala xiriirinayay Chelsea, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya inuu tijaabada caafimaadka maray bishii September.
25 jirka reer France ayaa 20 gool ka dhaliyay Bundesliga xilli ciyaareedkii hore, waxana uu xilli ciyaareedkaan dhaliyay 12 gool.
Chelsea ayaa qarka u saaran inay dhameystirto heshiiska weeraryahanka RB Leipzig Nkunku iyadoo qandaraas la saxiixi doono, sidaas waxaa sheegay Fabrizio Romano.
Blues ayaa heshiis la gaartay kooxda reer Jarmal ee Leipzig, waxayna ku soo iibsatay in ka badan 52 milyan ginni (€60m).
Nkunku, oo horaantii bishaan laga saaray Koobka Adduunka sababo la xiriira dhaawac jilibka ah, ayaa sida muuqata qalinka ku duugi doona heshiis waqti dheer ah oo ka bilaabanaya June 2023.
Post a Comment