Wararka Manta: Rasmi Karim Benzema oo ku biiray kooxda Al Ittihad, Alex Mac Alliste oo tijabada cafimad umaray kooxda Liverpool.



Kooxda Al-Ittihad ayaa xaqiijisay inay Karim Benzema kala soo wareegeen Real Madrid.
Asagow saxiixay heshiis saddex sano ah oo uu ku qaadanayo 200 milyan euro xilli ciyaareedkii.

Alexis Mac Allister ayaa soo gabagabeeyay tijaabada caafimaadka isaga oo ah ciyaaryahan cusub oo Liverpool ah - oo lagu wado inuu saxiixo maanta. Heshiiska muddada dheer wuxuu socon doonaa ilaa Juun 2028.

N’Golo Kanté ayaa qarka u saaran inuu beeca xorta ah ugu biiro kooxda Al Ittihad dalabka rasmiga ah waa la aqbali karaa dhawaan. Waxa uuna mushaar ahaan uqaadan doonaa € 100m heshiis ilaa 2025.

Christian Pulisic, ayaa la filayaa inuu ka baxo xagaagan kooxda Chelsea iyadoo Chelsea ay albaabada u furtay inay iska fasaxdo xidigaan. AC Milan ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya Pulisic.

Brahim Diaz ayaa qeyb ka noqon doona kooxda Real Madrid xilli ciyaareedka soo socda iyadoo wada hadalyada ay ku dhow yihiin heshiis waqti dheer ah ilaa 2027. 


Post a Comment

Previous Post Next Post